Iran: Waxaan diyaar u nahay wada xaajoodka Nukliyeerka ee Washington

24 March, 2025

Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay diyaar u tahay wadahadal toos ah oo ay la yeelato Mareykanka, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo saaray amar kama dambeys ah oo lagu gaarayo heshiis cusub oo Nukliyeer ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Arakchi ayaa yiri, “Wadada inoo furan waa wada xaajoodyo aan toos ahayn,” isaga oo diiday suurtagalnimada wadahadalo toos ah oo lala yeesho Washington.

“Mowqifkayagu waa cad yahay, kaas oo ah in Iran ay hubaal tahay in aanay Maraykanka la geli doonin gorgortan toos ah. Tani waa siyaasadeena mana isbedeli doonto haddii aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimaada habka dhinaca ka soo horjeeda ee ku wajahan Iran iyo dadkeeda.” ayuu yiri; Cabbaas Arakchi .

Muddadii xileedkii ugu horreeyey ee Donald Trump, Maraykanku wuxuu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 – 2018, wuxuuna dib u soo rogay cunaqabataynta Iran. Heshiiska ayaa dhigaya in Iran laga qaado cunaqabateyn dhowr ah oo lagu soo rogayo barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Tobanaan sano, wadamada reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykanku, waxay Tehran ku eedeeyeen inay doonayso inay haysato hubka nukliyeerka. Si kastaba ha ahaatee, way diidday Iran, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in dhaqdhaqaaqyadeeda nukliyeerka ay yihiin ujeedo rayid ah, gaar ahaan qaybta tamarta.

Horseed Media