Iran waxay soo bandhigtay awoodeeda difaac

5 February, 2025

Iran ayaa adeegsatay nidaamka difaaca hawada ee riddada dheer ee Ruushka laga sameeyay intii lagu guda jiray tababar ciidan Arbacadii, xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Tehran aysan haysan karin hubka Nukliyeerka.

Bandhiga Iran ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ay sheegtay in ay si weyn u wiiqday awooddii difaac ee Tehran oo ay ku qaadday weerarro ay qaaday bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Dhoolatuskan ayaa la sameeyay hal maalin kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu la kulmay Trump oo ay ka wada hadleen arrimaha gobolka oo uu ku jiro barnaamijka Nukliyeerka Iran.

26-kii Oktoobar, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen warshado gantaallo ah iyo goobo kale oo u dhow Tehran iyo galbeedka Iran.

Horseed Media