Golaha Khubarada ee Iiraan ayaa wiilka Cali Khamenei, Mojtaba, u doortay hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka.

Xulashadiisa waxay muujineysaa in nidaamka Iiraan uu doortay inuu sii wado dagaalka ay kula jiraan Mareykanka iyo Israa’iil.
Mojtaba Khamenei, oo dhashay Sebtembar 8, 1969, waa wiilkii labaad ee Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee ugu sarreeyay Iiraan, kaasoo lagu dilay weerarkii Israa’iil ee Febraayo 28. Golaha Khubarada oo ka kooban 88 xubnood ayaa u magacaabay hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah axaddii shalay 8da Maarso,
Mojtaba waxaa badanaa lagu tilmaamaa nin mayil adag, isla markaana kamid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan dowlada Iiraan. Waxaa la ogyahay inuu xiriir dhow la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee (IRGC).



