Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo oo sheegay inuu bartilmaameedsaday saldhigyadda Xuutiyiinta

Riyaad — Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen ayaa Axaddii sheegay inuu fuliyay hawlgal militari oo lagu bartilmaameedsaday kheyraad ay maleeshiyada Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto u adeegsato taageeridda dagaalka ay waddo, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA).

1 November, 2026

Afhayeenka isbahaysiga, Sarreeye Gaas Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in hawlgalka la fuliyay subaxnimadii Axadda, iyadoo jawaab looga bixinayay weerarrada joogtada ah ee Xuutiyiintu ku qaadaan dadka rayidka ah iyo kaabayaasha rayidka ah ee ku yaalla Sacuudiga iyo Yemen.

Al-Maliki ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay inay adeegsadaan kheyraad muhiim ah si ay u taageeraan dadaalladooda dagaal iyo inay xoojiyaan awooddooda militari, gaar ahaan gantaallada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Wuxuu sheegay in isbahaysigu qaaday hawlgal militari oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday, kaas oo looga gol lahaa in lagu wiiqo kheyraadka ay Xuutiyiintu u adeegsadaan inay ku qaadaan weerarro soo noqnoqda, isla markaana ay khatar ugu keenaan amniga Sacuudiga iyo Yemen, iyo sidoo kale marinno maraakiibta ay isticmaalaan ee koonfurta Badda Cas.

Al-Maliki wuxuu sheegay in isbahaysigu sii wadi doono qaadista tallaabooyinka militari ee lagama maarmaanka ah, si looga hortago weerarrada Xuutiyiinta.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Xuutiyiinta inay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo kaabayaasha rayidka ah, isagoo ka digay in maleeshiyadu ay mas’uul ka noqon doonto cawaaqibka ka dhalan kara haddii weerarradaasi ay sii socdaan.