Isbaheysi Siyaasadeed Cusub oo looga dhawaaqay Muqdisho

16 October, 2025

23 urur siyaasadeed oo kamid ah kuwii dhawaan diiwaan-geliyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho…

23 urur siyaasadeed oo kamid ah kuwii dhawaan diiwaan-geliyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhisay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, kaas oo lagu sheegay inuu yahay mid lagu mideynayo aragtida iyo himilooyinka ururrada si ay doorashooyinka soo socda uga yeeshaan saameyn muuqata.

War-saxaafadeed laga soo saaray shirka lagu dhisay isbaheysigan ayaa lagu sheegay in ururradani ay “si mideysan u go’aansadeen in ay sameeyaan isbaheysi siyaasadeed oo xooggan oo u adeegaya danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.” Ujeedadu waxay tahay in ururradani ay ka wada shaqeeyaan mideynta aragtidooda siyaasadeed iyo difaaca danaha shacabka.

Isbaheysigan waxaa hoggaaminaya siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaas oo ku baaqay in la dhiso hoggaan mideysan oo dalka u horseeda dimuqraadiyad dhab ah iyo dowladnimo hufan.

Ururradani ayaa sidoo kale shaaciyay inay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan doorashooyinka heer deegaan, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal, iyagoo xusay in la dhisi doono guddiga fulinta ee isbaheysiga oo hagi doona howlaha siyaasadeed iyo farsamo, lana hubin doono in go’aamada muhiimka ah lagu ansixiyo aqlabiyad saddex meelood laba meelood ah.

Isbaheysigan cusub ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo daah-furnaanta geedi socodka doorashada, isla markaana shacabka Soomaaliyeed helaan kalsooni buuxda oo ku aaddan natiijada doorashooyinka, iyagoo ugu yeeray ururrada kale inay ku soo biiraan dadaalkan mideysan ee lagu doonayo xoojinta dimuqraadiyadda iyo dowladnimada dalka.