Isgoyska Zoobe oo dayactir lagu samaynayo kadib burbur soo gaarey.

29 June, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga Zoobe oo muhiim u ah isku socodka bulshada caasimadda, isla markaana ku burburay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay magaalada.

Duqa Muqdisho ayaa ballanqaaday in dhawaan la dhisi doono waddada shaqaalaha oo burbur xooggan uu ka jiro iyo waddooyin dhowr ah, isagoo adkeeyay in canshuurta laga qaado bulshada dib loogu celin doono.

“Waxa aan ballanqaadeynaa in canshuurta laga qaado bulshada aan dib ugu celino, si aan ugu horumarino adeegyada aas-aasiga ah oo ay ugu horeeyaan helidda dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, horumarinta caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Ganacsato, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.