Isimada dhaqanka gobolka Bari oo dalbaday in laysugu yimaado dibu-eegidda awood qaybsiga Puntland.

In la isugu yimaado shir degdeg ah oo loogu gogol xaaro saamileyda Puntland, maadaama bay dheheen…

25 October, 2025

In la isugu yimaado shir degdeg ah oo loogu gogol xaaro saamileyda Puntland, maadaama bay dheheen is beddel ku yimid dhismihii 1998.

In dowladdu si degdeg ah wax uga qabato kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu hayo xeebaha Puntland.

In hoos loo eego cabashada ka imanaysa shacabka Boosaaso ee la xiriirta qiimaha biyaha iyo korontada.

In la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaliyeed, ayna madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleedba ka shaqeeyaan maslaxada ummadda iyo isku haynta dadka iyo dalka.