Isimada dhaqanka SSC oo kulamo ka wada Magaalada Garowe

Published: March 5, 2023
Shares62

Isimada dhaqanka SSC oo ku sugan Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa halkaasi kulamo duwan yeeshay madax kala duwan.

Isimada ayaa la kulmay madax dhaqameed uu kamid ah Islaaan Ciise Islaan Maxamed iyagaa iska xog wareystay xaaladda guud ee deegaanada gobolka Sool.

Sidoo kale Isamada oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood.

Isimada ayaa sidoo kulan Garowe kula yeeshay Wafdi kasocda dawladda Itoobiya iyadoo kawada hadlay dagaalka gobalka Sool.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xalwaara loo heli lahaa, ayna soo dhageysteen labada dhinac ee kala ah Somaliland iyo dhaqanka SSC.

Horseed Media