Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku caddeeyey in goboladaasi kamid…

Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku caddeeyey in goboladaasi kamid yihiin Puntland, iyagoo farriin u diray SSC KHATUMO iyo DFS.
War-saxaafadeedka isimmada soojireenka ah waxa lagu yidhi:
▪︎Gobollada Sanaag & Haylaan waxay kamid yihiin Puntland, mana jiraan wax isbeddeley.
▪︎Waxaanu caddaynaynaa in aanu jirin shir-siyaasadeed oo aanu go’aanno ka soo saarnay.
▪︎Waxaannu isimmada khaatumo & maamulkooda u caddaynaynaa in aanay jirin cid wakiil ka ah Sanaag & Haylaan oo aanu u dirnay shirka Laascaanood, qaybna kama nihin wax kasta oo ka soo baxa.
▪︎Waxaanu isimmada walaalahayo ee Siciid Harti ka dalbanaynaa in ay raalligelin buuxda ka bixiyaan faragelinta beelaha Sanaag & Haylaan.
▪︎Beesha Caalamka waxaan u caddaynaynaa in aanu jirin shir aan yeelanay & maamul-dhisid cusub oo aanu cid la galnay ama la geleyno.
▪︎DFS waxaan ugu baaqaynaa in ay qabato wixii loo doortay kana fogaato isku-dirka beelaha walaalaha & deriska ah.




