Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa bayaan ka soo saaray cabashada ganacsatada ee Dekedda…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa bayaan ka soo saaray cabashada ganacsatada ee Dekedda Boosaaso, iyagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan hakadka ku yimid adeegyada dekedda iyo saameynta uu ku yeeshay ganacsiga, shacabka iyo dhaqaalaha Puntland.
Isimadu waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin khilaafka ka dhashay khidmadaha lagu soo rogey maraakiibta ku xirata dekedda iyagoo sheegay in Dekedda Boosaaso ay laf-dhabar u tahay dhaqaalaha Puntland, isla markaana ay malaayiin doollar ku baxeen horumarinteeda, sidaas darteedna aysan habboonayn in shaqadeedu istaagto.
Waxay sidoo kale sheegeen in Dowladda Puntland ay tahay hay’adda mas’uulka ka ah ilaalinta danaha shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha, sidaas darteedna looga baahan yahay inay xal degdeg ah u raadiso khilaafka jira, lana tixgeliyo duruufaha dhaqaale ee dalka.
Ugu dambeyn, Isimada Gobolka Bari waxay soo jeediyeen saddex qodob oo ay u arkaan inay xal u noqon karaan xaaladda: in dib loo furo adeegyada dekedda si caadi ah, in dib loo eego khidmadaha lagu kordhiyay adeegyada dekedda, iyo in dowladda iyo DP World ay si degdeg ah u bilaabaan wada-hadal miro dhal ah.





