Isimada gobolka Bari oo waxbarasho lacag ah u dalbay carruurta shuhadadii Cal-miskaad.

28 November, 2025

Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Bari oo habeenimadii xalay ka qayb galay munaasabad ka dhacday…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Bari oo habeenimadii xalay ka qayb galay munaasabad ka dhacday Magaalada Boosaaso ayaa baaq u diray xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, oo ka hadlay madal uu ku sugnaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa dalbaday in waxbarasho lacag la’aan ah ay helaan awladda ay waalidkood ku geeriyoodeen dgaaalka ka lagu difaacayo ammaanka Puntland.

“Awlaadda aabayaashood darteenna aabayaashood buurahaas ugu waayey waa inay waxbarasho lacag la’aan ah helaan, jaamacadahana waxaan lee yahay haddii liisas badan laydiin keeno ogaada waa awlaaddii Shuhadada Cal-miskaad”, Ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.