Isimada gobolka Sool oo shaaciyey in siyaasiyiintu saameeyeen hawlohooda shaqo.

13 August, 2025

Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolada Sool iyo Cayn oo ka qaybgalay shir ka dhacay degmada…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolada Sool iyo Cayn oo ka qaybgalay shir ka dhacay degmada Xudun ayaa muujiyey sida ay siyaasiyiintu saamaynta ugu yeesheen hawlihii shaqo ee ay bulshada u hayeen.

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka hadlay kulanka aya sheegay in isimada uusan ka dhexayn khilaaf baahsan haseyeeshee ay jiraan siyaasiyiin xilliyada qaar ku kala dhex jira, oo saameeyntoodu gaarto qaybaha bulshada.

“Annagu isma hayno, marar baa siyaasi na dhex ordaa, dadkayoow midnimo & wanaag baa inoo ballana”, Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka ee deegaamada KHATUMO.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii dambe isimadu ku kala aragti duwanaadeen dhismihii maamulka Waqooyi Bari, iyadoo Garaad Jaamac Garaad Cali ka soo horjeestey in shirka lagu soo daro reer Sanaag iyadoo isimadoodii aysan raali ka ahayn.