Isimada Sanaag & Haylan oo markale ka hadlay mowqifkooda shirka Laascaanood.

16 July, 2025

Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan oo warbaahinta la hadlay ayaa markale ka hadlay mawqifkooda shirka…

Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan oo warbaahinta la hadlay ayaa markale ka hadlay mawqifkooda shirka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Isimada dhaqanka oo shir ku yeeshay Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa markale ku celiyey inaysan qayb ka ahayn shirka ka soca Magaalada Laascaanood, iyagoo ugu yeeray beelaha gobolka Sanaag inaysan jihada ka leexin ujeedkooda.

Waxa ay sheegeen in beelaha deggan Sanaag iyo Haylaan aysan gelin wax heshiis ay wakiilana u dirsan magaalada Laascaanood, waxayna ka dalbadeen isimada dhaqanka gobolka Sanaag inay xaqiiqda wajahaan.