16 July, 2025
Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda colaadeed ee ka soo…

Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda colaadeed ee ka soo cusboonaatay degmada Dhahar ee caasimadda gobolka Haylaan.
Isimada dhaqanka ee kala ah Suldaan Suldaan siciid, Suldaan Cabdisalaan, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan, Islaan Xuseen xaajibCabdisalaan, Boqor ibraahiim Maxamed Xassan, Garaad axmed Siciid jidible iyo Garaad Cali Aar ayaa sheegay inay shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda hawshana heshiis lagu dhammeeyo.



