Isimadii Dhaqanka ee ka timid Koonfurta Soomaaliya oo tagey jiidaha dagaalka Laascaanood

Published: March 27, 2023
Shares60

Isimada Dhaqanka ee ka timid Koonfurta Soomaaliya ayaa tagey jiidaha dagaalka ee duleedka Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Isimada ayaa ujeedka booqashadoodu daarneyd si ay indhahooda ugu arkaan masaafada labada dhinac isku jiraan, una arkaan xaqiiqada taala goobtan.

Sidoo kale Isimada dhaqanka oo ay wehliyaan Isimadda SSC ayaa ku wajahan  gudaha magaalada Laascaanood, iyagoo booqan doona goobaha adeegyada dadweynaha ee waxyeelada u geysatay Somaliland, lana kulmaya waxgaradka.

Xukuumadda Somaliland ayaa kasoo horjeeda dhexdhexaadinta Isimadan, iyagoo sabab uga dhigaysa in ay kasoo jeedaan Soomaaliya oo ay horey u sheegtay in ay ka go’oday.

Horseed Media