Isimadii gobolada Sanaag iyo Haylaan oo lagu soo dhaweeyey Boosaaso.

18 August, 2025

Wafti dhaqameed aad u ballaaran oo ka soo kicitay magaalooyinka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta…

Wafti dhaqameed aad u ballaaran oo ka soo kicitay magaalooyinka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyey Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waftigaan oo uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ayaa waxaa soo dhaweyntooda ka qaybgalay maamulka degmada, kan gobolka, isimo iyo qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaas.

Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan oo dhawaan caddeeyey inay katirsan yihiin Puntland ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarraysay Puntland oo ku sugan Boosaaso, si ay ugala hadlaan xaaladda gobolka, mashaariicda horumarinta, adkaynta ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka.

Suldaan Siciid Cabdisalaan oo ka mahadceliyey soodhaweynta heerkeedu sarreeyo ee loogu sameeyey Boosaaso ayaa sheegay inay joogaan deegaankooda isla markaana ay qaban doonaan kulamo kala duwan.