Isimo ka laabtay go’aan ay horay uga qaateen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

3 days ago

Qaar kamid ah isimad dhaqadanka gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay inay ka laabteen go’aan ay qaateen…

Qaar kamid ah isimad dhaqadanka gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay inay ka laabteen go’aan ay qaateen 27-kii April ee 2024, lana xiriirey inay wadashaqayntii kala laabteen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Isimada ayaa sheegay in iyagoo tixgelinaya codsiga bulshada iyo midnimada beelohooda ay qaaten inay ka laabteen dhammaan go’aamadii hore ayna Islaan Bashiir ka raaligelinayaan wixii warqadii hore ku qornaa.