Isimo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen gedoodka ciidamada degmada Xarfo.

22 August, 2025

Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Mudug ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan qorshe ciidamo gedoodsan…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Mudug ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan qorshe ciidamo gedoodsan muddo 10 cisho ah ugu xiranyahay lamiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Guddoomiyihii hore degmada Xarfo, Cabdiqaadir Cumar Maxamed (Jeylaani) ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka oo aanu magacaabin in ay ka danbeeyaan dhibaatada ka taagan degmada Xarfo iyo soo noqnoqoshada gedoodka ciidamada.

“Gadoodkan ciidan waxa la sheegaya in ay ka danbeeyaan isimada gobolka Mudug, waana wax xaqiiqa, haddii caqliga saliimka lagu fiiriyo dadkani dad la’aan maaha qabiilo bay ka soo jeedaan, waxaana jooga odayaashii beelaha oo fadhiya, marka waa qandaraas weyn oo ay odayaasha gobolku ka danbeeyaan”, Ayuu yiri Guddoomiye Jeylaani.

Waxa uu intaasi ku daray,”Nimankan wadada xirtayna waa mujrimiin quddaacu-duruq ah, haddii wax ka maqan yihiin maaha in ay waddo xirtaan mana jirto sabab ay u xiran karaan, waayo? Baabuurkan jidka maraya ee canshuurtii bixiyay xaq ay ku lee yihiin ma jiro waa dulmi cad oo lagu sameynayo dad masaakiin ah, haddii xaq ka maqan yahay meeshay ku lee yihiin ha u doonteen, balse in ay muwaadiniin canshuur-bixiyaal ah dulmiyaan waa qalad”.

Ugu dambayntiina guddoomiyaha ayaa yiri,”meeshan waxa ku xanniban baabuur khudaar sida, qaarkood waa banjareen. Waa muwaadiniin canshuur bixiyaal ah oo aysan jirin sabab loo dhibaateeyo. Kan jidka xirtay wuxu khasaarinaya hantidii mushaarkiisa laga biilayay.”