Qaar kamid ah isimadii ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka madaxda sarsare ee maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa…

Qaar kamid ah isimadii ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka madaxda sarsare ee maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa ku baaqay nabad dhexmarta Somaliland iyo Waqooyi Bari si ay isu dhaafsadaan maxaabiista u kala xiran labada dhinac.
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay inay diyaar u yihiin nabad ay la galaan Somaliland aysanse ka tanaasuli doonin Soomaalinimada.
“Cid kasta oo aan dagaalnay waxaan diyaar u nahay inaan la heshiino, walaalaheen Waqooyi Galbeed waxaan diyaar u nahay inaan is cafino, anaga Soomaaliya ayaan nahay, Xasan Sheekh ayaa Maxaxweyne noo ah, majirto cid nadhihi karta dalkiina ka go’a.”
Dhanka kalena, Garaad Wiilwaal oo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay, “Walaalihiin nabad bay rabaane idinkuna nabadda qaata anaguna kama harayno inaad walaalowdaan oo nabadda qaadataan, Somaliland iyo Waqooyi Bari waxay nala qaateen in nabaddaas la dedejiyo dadka dhintay aan u ducayno kuwa xirxirana u naxariisano.”



