Qaar kamid ah beelaha dega gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari ayaa saluugmo xooggan ka muujiyey saami-qaybsiga…

Qaar kamid ah beelaha dega gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari ayaa saluugmo xooggan ka muujiyey saami-qaybsiga cusub ee ay ka heleen golaha xukuumadda Puntland ee uu shalay Magacaabay Madaxweyne Deni.
Suldaan Siciid Cabdisalaan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Garoowe ayaa habeenimadii xalay siweyn u qaadacay xubnaha cusub ee uu Magacaabay Madaxweyne Deni, isagoo xusay in looga baxay ballanqaadyo loo sameeyey.
Kulamo ay xilli dambe xalay yeesheen Madaxweyne Deni, Guddoomiyaha barlamaanka Puntland iyo Suldaan Siciid Cabdisalaan ayaa isfahamwaa ku soo dhammaaday, iyadoo isinku ku goodiyey inuu ku laaban doono Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.
Inkastoo beelahaani heleen kuraas ka badan intii hore, haddana waxaa wararku sheegayaan inay jiraan shaqsiyaad iyo wasaarado gaar ah loo horay loogu heshiiyey aanse ka hirgelin dhanka dowladda.




