Isku-shuban: Soo Dhowayntii Boqor Burhaan iyo Wafdigiisa

1 April, 2022

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo oo maalintii labaad socdaal ku maraya deegaanada…

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo oo maalintii labaad socdaal ku maraya deegaanada iyo degmooyinka gobolka Bari ayaa maanta gaaray degmada Isku-shuban.

Wafdiga boqorka oo isugu jira Xildhibaano, Isimo, Nabadoono, Waxgarad iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa soo dhowayntooda kasoo qaybgalay maamulka iyo bulshada degmada Isku-shuban oo sida caleemo-qoyan.

Boqor Burhaan oo la hadlay masuuliyiintii iyo shacabkii kusoo dhoweeyey Isku-shuban ayaa ugu horeyn u mahadceliyey, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka dhulkii saldanada.

Sidoo kale boqorka ayaa sheegay inuu waqti fiican la qaadan doono bulshada Isku-shuban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *