Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa si adag uga hadlay falal…

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa si adag uga hadlay falal isugu jira afduub, dilal iyo burcadnimo oo bilihii la soo dhaafay ku soo batay gobolka Mudug.
Mar uu ka hadlayey kulan lagu raaligelinayey mid kamid ah Dhakhaatiirta gobolka oo afduub laga soo daayey ayuu ugu yeeray dowladda inaysan sugin amar beeleed ayna tallaabo ka qaaddo ciddii dambe ee ku kacda falal noocaasi oo kale ah.
“Hadday soo noqoto tallaabo adag ha laga qaado ciddii waxaa samaysa mar dambena yaan loo turin ee dowladdu waajibkeeda haka gudato”, Ayuu yiri Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
Degmada Bursaalax ayaa lagu qabtay kulan lagu xaalmarinayey Dr Faarax oo kamid ahaa hawlwadeenada Hay’adda MSF ee gobolka Mudug, kaasi oo loo afduubtay si loogu bedesho nin ku eedaysan dilka sarkaal dowladeed oo ku xiran Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.



