Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada dhaqanka ee deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal…

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada dhaqanka ee deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal ayaa ka hadlay xaaladda ammaan, horumar iyo dhibaatooyinka tahriibka ee haysta dhalinyarada reer Puntland.
Ugu horrayn Islaan Ciise ayaa madaxda ugu sarraysa Puntland ugu baaqay inay qaataan waajibaadkooda dastuuriga ah kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay u doorteen bulshadu.
“Dadka aad xilka u haysaan kuwa reer Puntland ee madasha jooga weeye, waxaa laga rabaa inaan dayac ka imaan aqbalkana Ilaah baa iska leh, dowladnimadu dadweynaha weeye, waana inay doorkooda qataan “, Ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed.
Dhanka kalena, Islaanka ayaa yiri,”Waxbadan oo dayac ah oo dhanka dadweynaha kajir ayaan ognahay, nin dilaa ah ama dambiile ah ayaa la soo qabanayaa Isimkiisii ayaa imanaya oo oranaya maxaa loo xiray hala sii daayo, markaa eeddii maynagaa yeelanaysa mise dowladda, inagaa yeelanayna, markuu magaalada waxka bi’inayo waa ognahay oo Ina Islaan Ciise weeye, markuu wax bi’iyana Masaajidkuu u socdaa ayaan leenahay”