Islaan Ciise Islaan Maxamed oo si adag ula hadlay golayaasha dowladda Puntland.

25 October, 2025

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa khudbad uu ka jeediyey…

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa khudbad uu ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga 57aad ee barlamaanka Puntland kaga hadlay xaaladda ay ku sugan tahay Puntland.

Islaanka ayaa ugu horrayn xildhibaanada golaha wakiilada ugu yeeray inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee ay ugu dhaarteen Puntland, wuxuuna xusay in goluhu yahay goob loogu adeego bulshada Puntland.

“Waxaa laydinka rabaa inaad u adeegtaan dadkii idin soo dirsaday, waa ogtihiin goobtaan qof walba wuxuu doonayaa inuu yimaado, kal-fadhiga furmaya ha noqdo mid umadda joogta mira-dhalkiisu ka soo boxo yuusan noqon mid aan mira-dhal noqon oo aysan waxba ka soo bixin”, Ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Dhanka kalena, Islaanka ayaa dowladda ugu yeeray inay ka soo baxdo waajibaadkii ay madaxdeedu u dhaarteen, “Dowladda uu madaxweynuhu ugu horreeyo wixii laydiin igmaday oo aad kitaabka gacanta u saarteen ayaa laydinka doonayaa, dadweynuhuna haddii aysan dwoladda la adeegin, waxa aynu doonay heli mayno.”