Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markiisii 6aad ku guuleystay doorashadii maalinimadii…

Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markiisii 6aad ku guuleystay doorashadii maalinimadii shalay ka dhacday guud ahaan Jamhuuriyadda Jabuuti.
Guddiga doorashooyinka Qaranka Jabuuti ayaa shaaciyey in Madaxweyne Geelle uu helay 97.81 boqolkiiba codadka la dhiibtay Jimcihii, uuna si rasmi ah ugu guulaystey codbixintii dadweynaha Jabuuti.
Musharaxa kaliya ee la tartamayey Madaxweyne Geelle, Maxamed Faarax Samatar, wuxuu helay 2.19 boqolkiiba codadka, sida ku cad warbixinta hordhaca ah ee guddiga doorashooyinka dalkaasi.
Xisbiga mucaaradka ah ee Xarunta Dimuqraadiga (CDU) ayaa waxa uu ku dhibtooday inuu helo aqoonsi ka hor doorashooyinka, waxaana tallaabadaasi ka dhigan tahay in 78 jirkaani uu markale dalka maamuli doono.




