Ciidamada Israa’iil ayaa burburiyay daar dheer oo ku taalla qayb ay dadku ku badan yihiin oo ka tirsan magaalada Gaza, waxayna ka digeen weeraro kale oo lagu qaado dhismayaal dabaqyo oo badan, xilli ay sii xoojinayso ololaha ay ku doonayso inay kula wareegto Gaza.

Jimcihii, millatariga Israa’iil waxay amar ku bixiyeen dadka ku nool daarta Mushtaha, oo ah dhismo 12 dabaq ah oo ku yaalla dhinaca galbeed ee magaalada Gaza, ayna ku hareeraysan yihiin boqolaal teendhooyin, in ay ka guuraan, ka dibna waxay weerareen dhismaha, iyaga oo ku andacoonaya inuu yahay “Kaabayaasha Xamaas”.
Maamulka daarta Mushtaha ayaa beeniyay sheegashada Israel ee ah in dabaqa dheer ay isticmaalayeen dagaalyahanada Xamaas. Maamulka dhismaha ayaa sheegay in goobta ay hoy u ahayd dadka barakacay oo kaliya.
Kahor weerarkan, Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa milatari ee Israel ee magaalada Gaza uu sii xoogaysanayo.




