Israa’iil ayaa hakisay gelitaanka gargaarka ee Qasa iyo Xamaas oo ku tilmaantay dambi dagaal

2 March, 2025

Xamaas ayaa ugu baaqday dhexdhexaadiyayaasha inay cadaadis saaraan Israa’iil, iyagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay fulinta heshiiska saddexdiisa marxaladood.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Benjamin Netanyahu uu go’aansaday in la joojiyo dhammaan gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa iyadoo la soo afjarayo wejigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta, kaas oo Xamaas ay u tixgelisay gaajada dadka Marinka.

Xafiiska ayaa tilmaamay in Israa’iil aysan aqbali doonin heshiis kasta oo cusub iyada oo aan la sii deyn maxaabiisteeda, isaga oo intaa ku daray in diidmada Xamaas ee ergayga Maraykanka Steve Witkoff ee ah in la sii wado wada xaajoodka, inkasta oo Israa’iil ay ogolaato, ay horseedi doonto cawaaqib dheeraad ah.

Dhexdhexaadiyayaashu waxay cadaadis ku saareen Israa’iil inay ka hortagto go’aanka ay ku joojinayso gargaarka Qasa iyo inay fuliso waajibaadka ka saaran heshiiska, iyagoo ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay fulinta heshiiska saddexdeeda marxaladood, iyagoo xusay in sida keliya ee lagu soo ceshan karo la haystayaasha ay tahay in la bilaabo wada xaajoodka marxaladda labaad.

Horseed Media