Israa’iil ayaa sii wadda duqeymaha ay ka geysanayso Gaza, iyadoo Xamaas ay sheegtay inay dib u eegis ku sameynayso xabbad-joojin.

Duqeymaha Israa’iil ee Qaza ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dhowr qof xalay, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka ee deegaanka.
Weerarada Israa’iil ee waqooyiga Gaza ayaa sababay dhimashada 13 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah, isbitaalka Indonesia ayaa sheegay. Isbitaalka Indonesia wuxuu ku yaalaa waqooyiga Gaza ee Beit Lahia.
Dhinaca kale weerar ka dhacay magaalada Khan Younis ee koonfurta dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 10 qof oo isku qoys ahaa. Isbitaalka Nasser, oo ku yaalla Khan Younis, ayaa sheegay in shan carruur ah ay ku jiraan dadka dhintay.
Xabad joojin u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas ayaa burburtay bishii hore. Labada dhinac ayaa wada hadallo aan toos ahayn oo ku saabsan xabbad joojinta.
Israa’iil ayaa 45 maalmood oo xabbad joojin ah ku yaboohday Qaza si ay u fududayso sii deynta la haystayaasha oo ay suurtogal tahay in la bilaabo wada xaajood dadban oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Sida heshiiska qayb ka ah, Xamaas waxa ay sii dayn doontaa 10 la haystayaal nool, Israa’iil waxay sii deyn doontaa 120 maxaabiis falastiiniyiin ah oo xabsi daa’im ku xidhan. Israa’iil waxay sidoo kale sii deyn doontaa in ka badan 1,000 maxbuus taas oo qayb ka ah heshiiska waxayna dib u bilaabi doontaa qoondaynta gargaarka bini’aadannimo ee Gaza.