Israa’iil iyo Iran ayaa bilaabay mowjado cusub oo duqeymo gantaallo ah

14 June, 2025

Iran ayaa Israa’iil la beegsatay dhowr mowjadood oo ah gantaallada riddada dheer, taasoo ay uga aargoosanayso duqeymaha ay Israa’iil ku hayso goobaheeda Nukliyeerka. Israa’iil ayaa sidoo kale duqeymo cusub ka fulisay Tehran subaxnimadii Sabtida.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in toddobo askari oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen gantaal Iiraan habeenimadii xalay, balse ma aysan sheegin halka uu gantaalku ku dhacay.

Dhammaan 7-da askari ee dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaal, waxaana durba laga soo saaray guryahooda.

Saddex kale oo Saynisyahano ah oo u dhashay Iran ayaa lagu dhawaaqay in lagu dilay weerarrada Israel, sida ay sheegeen wakaalada wararka iyo talefishanka dawlada Iran maanta oo Sabti ah.

Saynis-yahanada ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ali Bakaei Karimi, Mansour Asgari, iyo Saeid Borji. Ilaa hadda ma cadda xilliga la dilay saddexdan qof.

Lix kale oo Saynisyahano ah oo dhanka Nukliyeerka ah ayay Iran sheegtay in lagu dilay duqeymo ay fulisay Israa’iil horaantii Jimcii.

Iran ayaa u rartay qalabkii iyo agabkii xarunta Nukliyeerka ee Fordo si ay u sugto goobaha weerarka Israa’iil lala beegsaday, afhayeenka Hay’adda Tamarta Atoomikada ee Iran, Behrus Kamalvandi ayaa Sabtidii sheegay sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka dawladda ee IRNA.

Xaruntan oo qiyaastii 100 kilomitir koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Tehran, ayaa ku taalla dhulka hoostiisa, waxaana ku rakiban qoryaha lidka diyaaradaha.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa soo saaray digniin ah in haddii Iran ay sii wadi duqeymaha gantaalada, ay taasi horseedi doonto weeraro culus oo lagu qaado Tehran, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 9 milyan oo qof.

Waa sharci darro marka loo eego sharciga caalamiga ah in la beegsado rayidka, balse Israel oo taageero ka hesha reer Galbeedka ayaa caado ka dhigatay beegsiga shacabka, iyadoo weli xasuuq kasii wada dhulka Falastiin ee Gaza.