Trump ayaa sheegay in xabad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan la kordhiyay muddo saddex toddobaad ah.

Hadalka Donald Trump ayaa ka dambeeyay kulan uu la qaatay saraakiil sar sare oo ka kala socda Israa’iil iyo Lubnaan.
Kordhinta ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii Israa’iil ay duqeysay koonfurta Lubnaan isla markaana Xisbullah ay gantaallo ku tuurtay Israa’iil.
Xabbad joojinta 10-ka maalmood ah ayaa dhaqan gashay Jimcihii la soo dhaafay, waxaana lagu waday inay dhacdo Isniinta.
Dhanka kale, kadib hanjabaadii Trump ee inuu burburin doono guud ahaan dalka Iiraan, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii shalay meesha ka saaray inuu Iiraan ku weerarayo hub nukliyeer ah.
Markii la weydiiyay inuu isticmaali doono hub noocaas ah iyo in kale, Trump wuxuu u sheegay wariyeyaasha Aqalka Cad: “Maya. Hubka nukliyeerka waa in aan cidna loo oggolaan in ay isticmaasho,”
Trump oo sheegay inuu doonayo heshiis uu la galo Iran ayaa yiri:
“Waxaan rabaa inaan gaarno heshiiska ugu fiican. Hada heshiis kumeel gaar ah waa sameyn karaa, laakiin waxaan doonayaa heshiiska ugu fiican oo waara”.
Trump ayaa sidoo kale la weydiiyay inta uu diyaar u yahay inuu sugo heshiis nabadeed oo muddo dheer ah oo lala galo Iiraan, wuxuuna ku jawaabay, “Ma doonayo inaan deg dego.”
Wuxuu sidoo kale u sheegay wariyeyaasha in shacabka Mareykanka ay muddada soo socda filan karaan qiimaha shidaalka oo sare u kaca “muddo kooban”.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Iiraan dabayaaqadii Febraayo, qiimaha tamarta ayaa kor u kacay adduunka oo dhan.



