Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Israa’iil, halkaas oo…

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Israa’iil, halkaas oo ay kula kulmeen Mas’uuliyiin katirsan xukunka Tel Aviv.
Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, wasiirka arrimaha dibadda Yuhuudda iyo xubno kale ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta Cirro oo booqashadiisa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.
Ilo kala duwan ayaa sheegay in kulammada ay diiradda saarayaan iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, maalgashiga iyo amniga, xilli ay Israa’iil aqoonsatay Maamulka Somaliland.
Madaxweyne Cirro oo hadlay oo sheegay inuu salaan ka sido shacab Muslim ah ayaa yiri,“Dadka Israa’iil ha noolaadaan iyo Lix milyan oo muslimiin reer Somaliland ayaa mahad balaadhan u jeedinaya Israa’iil.”
Dhanka kalena, Madaxweyne Herzog uu af-Soomaali kula hadlay Soomaalida, ayaa yiri,“Ku soo dhawoow Israa’iil, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Booqashadan taariikhiga ah waxay astaan u tahay kartida weyn ee iskaashiga cusub ee u dhexeeya labadeenna dal.”




