Israa’iil ka baxaysa marin muhiim u ah joogitaankeeda Gaza.

9 February, 2025

Bixitaanka Israa’iil ee Gaza waxaa siweyn dabada uga riixaya madaxweynaha dhawaan xafiiska la wareegey ee dalka Maraykanka Donald Trump.

Ciidamada Israa’iil ayaa ka baxaya aagga militariga ee Netzarim oo ah goob muhiim ah oo labo u kala qaybisa Marinka GAZA, waxayna soo gabagabeyn doonaan bixitaankooda saaka oo Axad ah sida ay werisey warbaahinta gudaha maamulka Yuhuuddu.

Tallaabadaan ayaa timid kadib markii Israa’iil iyo Xamaas ay dhammaystireen is-weydaarsigoodii shanaad, iyadoo saddex maxaabiis Israa’iiliyiin ah la sii daayey laguna bedeshey 183 reer Falastiin ah.

Dhanka kalena, ciidamada Israa’iil oo duqeymo ka geystay Lubnaan iyo Suuriya, ayaa dilay ugu yaraan lix Lubnaaniyiin ah, waxaana weli socda duullaanka ka socda Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay warbaahintu saaka werisey.

Dagaalka Gaza waxaa lagu diley 61,709 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 111,638, oo reer Falastiin ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi, halka dhanka Yuhuuddana looga diley 1,139 qof ilaa weerarradii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna laga qafaashay.