Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa diiwaangelisay 10 dhimasho ah “macluul iyo nafaqo darro awgeed” 24-kii saac ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan laba carruur ah, taasoo tirada guud ee dhimashada gaajo la xiriirta ka dhigeysa 313 qof, oo 119 kamid ah ay ahaayeen carruur.

Ciidamada Israel ayaa dilay 51 falastiiniyiin ah tan iyo waaberigii Arbacadii, oo ay ku jiraan 12 qof oo sugayay gargaar.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen 14 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Israa’iil inay joojiso balaadhinta weerarada ay ku hayso Gaza.
Dhinaca kale, qaraar kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, oo aanu Maraykanku saxeexin, ayaa loogu baaqay Israel inay joojiso dagaalka Gaza, waxaa sidoo kale golaha uu ka hadlay xaalada macaluusha ka jirta Gaza:
Golaha Amaanka ayaa taageertay digiinta ay soo saartay hay’ ada qaabilsan nidaamka la socodka gaajada caalamiga ah ee IPC kaasoo lagu xaqiijiyay macluusha Gaza.
Dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka marka laga reebo Mareykanka ayaa ka digay in macaluul loo isticmaalo hub dagaal ay mamnuuc tahay marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Golahu wuxuu ku baaqay xabbad-joojin joogto ah oo deg-deg ah oo sharuud la’aan ah iyo sii daynta maxaabiista lagu hayo deegaanka. Waxay sidoo kale ka dalbadeen Israa’iil in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah inay ka qaado dhammaan xannibaadaha gargaarka ee Gaza.



