Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maamulka Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa shaaciyey sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee la qorsheeyay…

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maamulka Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa shaaciyey sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee la qorsheeyay Sabtidii hakad lageliyey iyadoo shuruud looga dhigay ilaa la dammaanad qaadayo sii deynta la haystayaasha reer Israa’iil iyadoo aan wax bahdilaad ah loo geysan.
Xamaas ayaa horay u sheegtay in dib u dhigista Israa’iil ee sii deynta dufcadda toddobaad ee Falastiiniyiinta “wakhtigii lagu heshiiyey ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah heshiiska xabbad joojinta Gaza.
Magaalada Tel Aviv waxaa isugu soo baxay bannaan baxayaal u dashay dalkaasi oo ku baaqaya in la soo celiyo dhammaan maxaabiistii ku hartay ka dib markii Xamaas ay sii daysay lix maxaabiis ah oo Israa’iili ah.
Dowladaha garwadeenka ka ah heshiiskada labada dhinac ayaa dedaal ku bixinaya sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista reer Falastiin si loo dhowro dhammaan qodobadii horay laysula qaatay.