Israa’iil ayaa dhowr jeer jebisay xabbad joojintii bishii November, iyadoo weerartay caasimadda Lubnaan iyo koonfurta.

Israa’iil ayaa duqeysay xaafadaha koonfureed ee Beirut ka dib markii ay soo saartay digniin daadgureyn ah, waana weerarkii saddexaad ee Israa’iil ay ku qaado caasimadda Lubnaan tan iyo markii ay xabbad-joojintu dhaqangashay dabayaaqadii bishii November.
Qiiq aad u wayn ayaa ka kacay aagga la duqeeyey maanta oo Axad ah. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay weerarkan.
Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa cambaareeyay weerarka cirka, wuxuuna ugu baaqay Faransiiska iyo Mareykanka, oo dammaanad qaadayay xabbad-joojintii 27-kii November ee Israa’iil iyo Xisbullah, inay ku khasbaan Israa’iil inay joojiso weerarradeeda. Israa’iil ayaa dhowr jeer jebisay xabbad joojinta bilihii iyo toddobaadyadii la soo dhaafay iyada oo weeraro ku qaaday caasimadda iyo guud ahaan koonfurta Lubnaan.
Aoun wuxuu sheegay in Israa’iil ay wiiqayso xasilloonida Lubnaan ayna sii kordhinayso xiisadda, taasoo keenaysa “khatarta amni” ee gobolka.
Milatariga Israel ayaa sheegay in weerarka Beirut ku burburiyeen kaydka hubka ee Xisbullah. Ma aysan keenin cadeyn sheegashadeeda. Ma jiraan qaraxyo labaad oo la soo wariyay ka dib weerarka Israel.