Shan wariye, oo uu ku jiro sawir qaadihii Aljazeera Mohammad Salama, ayaa kamid ahaa 20 qof…

Shan wariye, oo uu ku jiro sawir qaadihii Aljazeera Mohammad Salama, ayaa kamid ahaa 20 qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaaday Isbitaalka Nasser oo ku yaal koonfurta Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas.
Wasaaraddu waxay sheegtay Isniintii in dhibanayaasha lagu dilay dabaqa afraad ee cisbitaalka weerar laba duqeyn, duqeynta labaad ayaa lagu beegay kadib daqiiqado markii ay goobtaasi yimaadeen shaqaalaha gurmadka.
Dadka la dilay waxaa sidoo kale ku jiray Hussam al-Masri, oo sawir qaade u ahaa wakaaladda wararka ee Reuters; Mariam Abu Daqqa, oo wariyenimo ka soo shaqeysay dhowr warbaahin oo ay kamid yihiin The Independent Arabic iyo The Associated Press wakaalada wararka; iyo wariye Moaz Abu Taha, sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Gaza.
Weriyihii shanaad ee Axmed Abuu Casiis oo u shaqeynayay Shabakadda Quds Feed iyo xarumo kale oo warbaahin ah ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Xafiiska Warbaahinta.
Weerarku waxa uu sare u qaaday dhimashada saxafiyiinta Falastiiniyiinta ah ee lagu dilay Gaza oo hada gaareysa ugu yaraan 273 tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.




