Israa’iil oo Duqeysay isbitaalka magaalada Gaza

13 April, 2025

Gantaalada Israa’iil ayaa waxyeeleeyay cisbitaalka weyn ee Qaza, sida ay sheegeen hay’adda difaaca madaniga ah ee deegaankaas iyo dhakhaatiirta. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeyntaasi.

Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay dhismaha cisbitaalka Al-Ahli ee magaalada Gaza subaxnimadii hore ee Axadda, ayaa burburisay xarumo qalliin iyo xarun soo saarista ogsajiinta ee qaybaha daryeelka degdegga ah, sida ay sheegtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Marinka Gaza.

Ma jiraan wax war ah oo ku saabsan khasaaraha, iyadoo wakaaladdu ay sheegtay in weerarku uu yimid “daqiiqado kadib digniinta ciidanka [Israa’iil] ee ah in laga saaro dhismahan bukaannada, kuwa dhaawacmay iyo eheladooda.”

Isbitaallada waxaa lagu ilaaliyaa sharciga caalamiga ah laakiin waxaa si isdaba joog ah u garaacay duqeymaha Israa’iil ee Marinka Gaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka ka dhanka ah Gaza iyada oo ka jawaabaysa weerarrada Oktoobar 7, 2023.

Milateriga Israa’iil ayaa Xamaas ku eedeeya in ay isbitaallada u adeegsadaan xarumaha taliska si ay u qorsheeyaan oo ay weeraro uga fuliyaan, arrintaas oo ay beenisay kooxda Falastiiniyiinta.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta dowladda ee Xamaas ayaa ku tilmaamay weerarkan mid aad u fool xun oo waxashnimo ah.

Waxa ay sheegtay in Israa’iil ay “si ula kac ah u burburisay oo ay shaqada ka joojisay 34 cusbitaal taaso qayb ka ah qorshe lagu baabi’inayo qaybta daryeelka caafimaadka ee marinka Qaza”.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in dhismaha laga saaray bukaanka kadib digniinta ka timid ciidamada Israa’iil.