Diyaaradaha Israel ayaa duqeeyay caasimadda Yemen ee Sanca, sida uu sheegay TV-ga Al Masirah ee taabacsan Xuutiyiinta.

Weerarka oo dhacay Axadii ayaa lala beegsaday warshad saliidda lagu sameeyo iyo xarun koronto oo ku taal Sanca. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha.
Telefishinka Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in bartilmaameedyada sidoo kale ay ku jirto xarun madaxtooyo ee Sanca.
Weerarada Israel ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xuutiyiintu ay sheegteen gantaal lagu duqeeyey Israa’iil – taas oo qayb ka ah ololaha ay kooxda Yemen sheegtay in ay uga golleedahay in ay Israa’iil ku cadaadiso sidii ay u joojin lahayd xasuuqa iyo go’doominta ay ku hayso Gaza.
Xuuthiyiinta ayaa maanta markale sheegay in weerarada Israel aysan joojin doonin howlgalada militari ee kooxda ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta.
“Gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Yemen nagama niyad-jabin doonto inaan sii wadno taageerada aan siinno Gaza, dhib kasta oo naloo geysto,” sarkaal ka tirsan Xuuthiyiinta Mohammed al-Bukhaiti ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.




