Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay billaabeen howlgallada dhulka ee magaalada Gaza, taasoo keentay in dadkii rayidka ahaa ee ku haray aaggaas ay u qaxaan dhanka koonfureed. Waxa kale oo ay sheegtay in milatarigu ay hawlgalkan ka qeyb qaadan doonaan 60,000 askari oo kamid ah ciidamada kayd ah si ay u weeraraan goobtaas.

Boqolaal kun oo rayid ah oo gabaad ka dhigtay magaalada Gaza ayaa lagu amray in ay isaga guuraan oo ay u qaxaan koonfurta subaxnimadii Khamiista iyadoo Israa’iil ay bilowday howlgalka ay dooneyso inay gebi ahaan kula wareegto dhulka magaalada Gaza.
Militariga Israa’iil IDF ayaa sheegay arbacadii shalay in loo yeeray ciidamadooda kaydka oo gaaraya 60,000 askari, iyadoo la eegayo duulaanka la ballaariyay ee magaalada Gaza.

Kahor howlgalka dhulka ee magaalada Gaza, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada iyadoo la eegayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee faraha badan ee durba saameeyay dadka rayidka ah ee halkaas ku sugan.
“Waa muhiim in si degdeg ah xabbad joojin looga gaaro Gaza,” si looga fogaado dhimashada iyo burburka uu keeni doono howlgalkan oo kale, ayuu Guterres ka sheegay shir ka dhacay dalka Japan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe ay ka doodaan howlgalka ciidamada Israel iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza.




