Israa’iil oo ku goodisay inaysan joojin doonin weerarrada Iran, xili Mareykanka ku dadaalayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee Iran muddo 10 maalmood ah – ilaa 6da Abriil – isagoo sii wada sheegashada in wadahadallada lala galayo Iran ee heshiis nabadeed.

27 March, 2026

Iyadoo Mareykanka uu cadaadis diblomaasiyadeed saarayo soo afjarida dagaalka, Wasiirka Difaaca Israa’iil Katz ayaa wacad ku maray in dhankooda ka laaban doonin weerarrada ay ku qaadayaan Iiraan.

Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa sheegay in Israa’iil ay “xoojin doonin” weerarradeeda oo ay bartilmaameedsan doonto goobo ballaaran oo ku yaal Iiraan isagoo ku eedeeyay Tehran inay gantaallo ku weerartay dadka rayidka ah ee Israa’iil.

Duqeymaha militariga Israa’iil ee Iiraan “waa sii xoojin doonaa, waxaan ku ballaarin doonaan bartilmaameedyo iyo goobo dheeraad ah oo ka caawiya nidaamka dhismaha iyo hawlgalka hubka”, Katz ayaa u sheegay saraakiisha militariga.

“Aniga iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxaan uga digay nidaamka argagixisada Iiraan inuu joojiyo gantaallada ay ku ridayaan dadka rayidka ah ee Israa’iil. Iyadoo ay jiraan digniino, duqeynta way sii socotaa; sidaas darteed, weerarrada Iiraan way sii kordhi doonaan oo way sii fidi doonaan,” ayuu yiri Katz.

Wasaaradda Caafimaadka Israa’iil ayaa sheegtay in 5,492 qof ay dhaawacmeen tan iyo markii ay bilaabatay weerarrada gantaallada ee Iiraan ay ku qaaday Israa’iil.

Waxay intaas ku dartay in isbitaallada ay daweeyeen 261 qof oo ku dhaawacmay weerarradii ay Iiraan iyo Xisbullah ku qaadeen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.