Israa’iil oo laba jibbaartey duqaymaha Gaza.

24 March, 2025

Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso Qaza ayaa sii socda iyadoo ugu…

Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso Qaza ayaa sii socda iyadoo ugu yaraan 61 Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ka dhacay Marinka 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

In ka badan 3 Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro ilmo yar, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil la beegsatay teendho ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo dusgiga waxbarashada kaamka Nuseirat ee badhtamaha Qaza.

Dhanka kalena, 18 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dugsigaan isu rogey hoyga barakacayaasha, iyadoo tiro kalena lagu diley deegaanka Maan ee bariga Khan Younis, ee koonfurta Qaza, ayaa waxaa ku dhintay canug, kuwa kalena way ku dhaawacmeen.

Maamulka Israa’iil ayaa laba jibbaarey duqaymaha iyo weerara lala beegsanayo shacabka Falastiin, xilli Maraykanku doonayo inuu la wareego dhulka Falastiin iyagana qaxooti ahaan ugu raro dalal shisheeye.