Israa’iil oo markale duqeynmo ka geysatay koonfurta Lubnaan

9 May, 2026

Ciidamada Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa inay weerar cirka ah ku qaadeen koonfurta Lubnaan saacaddii la soo dhaafay.

Waxaa jiray duqeymo badan oo ka dhacay koonfurta Lubnaan, taasoo keentay tiro badan oo dhimasho ah.

Weerarrada ayaa ka dhacay Safad al-Battikh oo ku taal degmada Bint Jbeil iyo magaalada Budyas oo ku taal degmada Sour.

Goobaha la duqeeyey waxaa sidoo kale kamid ah magaalada Tyre, diyaarado badan oo aan duuliye lahayn ayaa dul heehaabayay magaalada inta badan maanta.

Weerarkii lagu qaaday magaalada Saksakieh ee lagu qaaday dhisme ay ku jireen dad barakacayaal ah ayaa weli waxaa ka jawaabaya difaaca rayidka ee Lubnaan, kuwaas oo wada gurmadka dadka burburka ku jira. Tirada dhimashada ka dhalatay weerarkaas ayaa u muuqata inay sii kordhayso.

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay markii labaad duqeeyeen xaafadda al-Bayad ee Nabatieh wax ka yar saacad gudaheed.

Dhanka kale, Saddex askari oo Israa’iili ah ayaa ku dhaawacmay, mid ka mid ah ayaa si xun u dhaawacmay, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo Xisbullah ay leedahay ay ku qaraxday waqooyiga Israa’iil meel u dhow xadka Lubnaan.