Israa’iil ayaa safiirkeedii ugu horreeyay u magacowday Somaliland, oo ah gobolka iskiis isu magacaabay ee Soomaaliya, taasoo sare usii qaadeysa xiisada diblomaasiyadda ee gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in Michael Lotem uu noqon doono safiir aan deganayn Somaliland.
Lotem, oo ah diblomaasi khibrad leh, ayaa hore u soo qabtay jagooyin safiirnimo ee dalalka Kenya, Azerbaijan, iyo Kazakhstan, sida laga soo xigtay warbaahinta guud ee Israa’iil ee KAN.
Magacaabistan ayaa ka dambaysay go’aankii Israa’iil ee Diseembar 2025 ee ahaa inay aqoonsi siisay Somaliland – tallaabadaas oo soo jiidatay diidmo xooggan oo ka timid dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dhaleecayn ka timid dhowr waddan.
Soomaaliya ayaa si joogto ah u diidaysay wax qoonsi caalami ah oo la siiyo Somaliland oo ah qeyb ka tirsan dalka Soomaaliya.
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay olole xoogan oo caalami u gashay cambaareynta farogelinta Israel, ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka maanta ee Safiirka Israel usoo magacowday Hargeysa.



