Milatariga Israa’iil ayaa Khamiistii sheegay inay dileen xubin ka tirsan Ciidanka Quds ee ugu sarreeya Iiraan weerar ay ka geysteen koonfurta Lubnaan, iyagoo ku eedeeyay inuu qorsheynayay weeraro ka dhan ah Israa’iil oo ka imanaya Lubnaan iyo Suuriya.

Ninkan waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamuud Marshad al-Jawhari, kaasoo Israa’iil ay ku tilmaantay inuu ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Cutubka 840 ee Ciidanka Quds, oo ah qaybta hawlgallada dibadda ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).
Sida laga soo xigtay bayaan militari, al-Jawhari waxaa lagu dilay aagga Ansaariyeh. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka lama bixin.
Israa’iil waxay ku eedeysay Iiraan inay hagayso weerarrada
Milatariga Israa’iil wuxuu sheegay in al-Jawhari uu ka howlgalayay IRGC isla markaana uu ku lug lahaa waxa ay ku tilmaameen “hawlo argagixiso” oo ay Iiraan ku bartilmaameedsatay Israa’iil iyo ciidamadeeda amniga.
Ma jirin wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay saraakiisha Iiraan ama Lubnaan oo ku saabsan dilka la sheegay. Weerarka ayaa yimid xilli xiisad xooggan ay ka dhex jirto Israa’iil iyo Iiraan, kadib dagaal kooban oo socday 12 maalmood bishii Juun.
Iskahorimaadku wuxuu billowday markii Israa’iil ay weerarro ku qaadday goobaha militariga iyo nukliyeerka Iiraan, iyo sidoo kale goobaha la deggan yahay. Israa’iil waxay sheegtay in weerarrada loogu talagalay in lagu curyaamiyo cilmi-baarista nukliyeerka Iiraan iyo barnaamijyada gantaallada ballistic-ga. Iiraan waxay kaga jawaabtay weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala beegsaday Israa’iil.
Intii uu socday dagaalka, Mareykanka ayaa markii dambe ku biiray Israa’iil isagoo si kooban u bartilmaameedsanaya xarumaha nukliyeerka Iiraan ka hor inta aan la shaacin xabbad joojin.
Duqeymaha ayaa ka socda Lubnaan
Israa’iil waxay sii wadday duqeymaha maalin kasta ka dhaca Lubnaan, iyadoo sheegtay inay raadinayso inay ka hortagto kooxda ay taageerto Iiraan ee Hezbollah inay dib u dhisto awooddeeda milatari.
Heshiis xabad joojin ah oo uu Mareykanku taageerayo oo la gaaray bishii Nofeembar 2024 ayaa soo afjaray in ka badan hal sano oo dagaal ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Hezbollah. Heshiiska ayaa ku baaqay in si tartiib tartiib ah hubka looga dhigo kooxda, oo ka bilaabmaya meelaha koonfurta Wabiga Litani ee u dhow xadka Israa’iil.
Iiraan, oo aan aqoonsanayn Israa’iil, ayaa muddo dheer ku eedaysay dalka inay fulisay hawlgallo burburin iyo dilal ah oo lagu bartilmaameedsanayo saynisyahannada nukliyeerka Iiraan.
Tehraan waxay sidoo kale taageertaa kooxaha hubaysan ee gobolka oo dhan iyadoo qayb ka ah waxa ay ugu yeerto “Xoogaga wax iska caabinta,” oo ay ku jiraan Hezbollah ee Lubnaan iyo Xamaas ee Gaza.
Khamiistii, mas’uuliyiinta Israa’iil waxay ku dhawaaqeen xarig muwaadin Israa’iili ah oo looga shakisan yahay inuu galay dambiyo la xiriira inuu la shaqeeyey hay’adaha sirdoonka Iiraan.
Iran ayaa todobaadkii hore shaacisay sawirada xarumaha Nukliyeerka ee Israa’iil iyo weliba magacyada khubarada nuklieeryka ee Israa’iil, arrintan oo u muuqatay digniin Iran ay siineyso Israa’iil.




