Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay madaxa cusub ee garabka hubaysan ee Xamaas weerar ay ku qaaday Gaza Talaadadii, maalmo uun ka dib markii hogaamiyihii hore lagu dilay weerar la mid ah kan ka dhacay dhulka Falastiiniyiinta.

“Iyada oo ay hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz, Ciidamada Difaaca Israel ayaa dhawaan weerar ka fuliyay Gaza oo lagu bartilmaameedsaday Mohammed Odeh – oo ah taliyaha cusub ee garabka militariga ee ururka Xamaas iyo mid kamid ah naqshadeeyayaasha weerarkii Oktoobar 7,” ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Netanyahu iyo Katz.
Odeh ayaa loo magacaabay madaxa guutada Ezzedine Al-Qassam ka dib markii ninkii ka horreeyay Ezzedine Al-Haddad lagu dilay weerar ka dhacay Gaza horraantii bishan.
Hay’adda difaaca rayidka ee Gaza, oo u shaqeysa adeegga samatabbixinta ee hoos yimaada Xamaas, ayaa sheegtay in haweeney lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay xaafadda Rimal ee galbeedka magaalada Gaza.



