Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ugu dhintay gaajo Gaza, taasoo ka dhigeysa tirada dadka u dhintay gaajo 111 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 80 carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza iyadoo 109 kooxood oo gargaar ah ay ku baaqeen in tallaabo laga qaado Israa’iil, iyagoo ka digaya in “Gaajo baahsan ay ku sii fideyso” guud ahaan dhulkaas.
Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 41 qof oo ay ku jiraan 10 dad gargaar doon ah la Israel dishay tan iyo waaberiga saaka oo Arbaca ah.
Midowga Yurub ayaa uga digay Israa’iil dhibaatada gaajada ka sii daraysa ee Gaza, iyadoo Maraykanku uu sheegay in ergayga Trump, Steve Witkoff, uu Yurub u aadi doono wadahadallo xabbad-joojin ah.
In ka badan 100 hay’adaha gargaarka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay dawladaha in ay qaadaan tillaabo degdeg ah iyadoo Israa’iil ay ku qasabtay “gaajo baahsan” Falastiiniyiinta Gaza, oo ay ku jirto iyagoo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo joogto ah iyo in la qaado dhammaan xannibaadaha gargaarka bini’aadantinimo.
Bayaan ay saxiixeen oo ay sii daayeen Arbacadii 109 urur, oo ay ku jiraan Mercy Corps, Norwegian Refugee Council iyo Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (oo sidoo kale loo yaqaan MSF), kooxuhu waxay ka digayaan in gaajada kusii fideyso guud ahaan dhulka go’doonsan ee Gaza.
Xasuuqa Israa’iil ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 59,219 qof, waxaana ku dhaawacmay 143,045 qof oo kale.



