Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay in Netanyahu iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay saxiixeen heshiis wadajir ah.
Heshiiskan wuxuu ku salaysan yahay Heshiiskii Abraham ee uu bilaabay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida laga soo xigtay wararka kasoo baxay Israa’iil, Somaliland waxay aqbali doontaa qaxootiga Falastiiniyiinta ah ee ka imanaya Gaza.
Israa’iil ayaa noqoneysa waddankii kaliya ee adduunka ee aqoonsada Somaliland marka laga reebo jasiiradda Taiwan.
Waxaan u hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland, Dr. Abdirahman Mohamed Abdallah, waxaana ammaanay hoggaankiisa iyo sida uu uga go’an yahay horumarinta xasilloonida iyo nabadda. Waxaan ku casuumay Madaxweynaha inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Israa’iil, ayaa lagu yiri qoraal Netanyahu soo dhigay bartiisa X.
Madaxweynuhu wuxuu iiga mahadceliyay ku dhawaaqiddan taariikhiga ah wuxuuna muujiyay mahadnaqa guulaha aan ka gaaray la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta nabadda gobolka, ayuu yiri Netanyahu.
Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Sa’ar, Madaxa Mossad David Barnea iyo Mossad, kaalintooda ku aaddan horumarka maanta, waxaana u rajeynayaa dadka Somaliland guul, barwaaqo, iyo xorriyad, ayaa la raaciyey.
Sida lagu sheegay qoraalka Netanyahu, Israa’iil waxay qorsheyneysaa inay si degdeg ah u ballaariso xiriirka ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo loo marayo iskaashi ballaaran oo ku saabsan beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada, iyo dhaqaalaha.



