Israa’iil ayaa duqeysay dhowr magaalo oo ku yaal Lubnaan, iyadoo sheegtay inay bartilmaameedsatay goobaha Xisbullah.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weeraradii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan habeennimadii xalay.
Warbaahinta dawladda Lubnaan ayaa sheegtay in weerar Israa’iil ay ku qaadday dhisme la deggan yahay oo ku yaal magaalada bari ee Baalbek ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Xaafadaha Aramaun iyo Saadiyat oo ku yaal koonfurta Beyruut, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in weerarrada Israa’iil ay ku dhinteen lix qof, siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.
Israa’iil ayaa sidoo kale duqeysay hoteel ku yaal caasimadda Lubnaan ee Beyruut.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa cambaareysay dilkii saddex shaqaale caafimaad ah oo ka tirsanaa dadkii lagu dilay weerarada Israa’iil.
Milatariga Israa’iil ayaa horey ugu dhawaaqay “weerarro ballaaran” oo ka dhan ah Xisbullah kadib markii kooxdaas ay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay Israa’iil Isniintii.
Israa’iil, waxay sidoo kale Talaadadii shalay ku dhawaaqday in ciidamadooda dhulka ay qabsadeen goobo ku yaal koonfurta Lubnaan oo u dhow xadkooda.



