Israa’iil oo weerartay koonfur-galbeed Iran, Diyaaradaha Iran ee Drone-ka ayaa iyagana duqeeyey Israa’iil

21 June, 2025

Israa’iil ayaa weerar ku qaaday Iran iyadoo Iran ay diyaarado badan oo Drone ah ku weerartay Israa’iil maalintii sagaalaad ee dagaalka.

Israa’iil ayaa sheegtay in dhisme la deggan yahay oo ku yaal waqooyiga Israa’iil ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn Dooxada Beit She’an.

“Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ku dhacday dhismo laba dabaq ah oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil,” Magen David Adom ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, isagoo aan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Jimcihii, Gantaal ay Iran leedahay ayaa ku dhacay magaalada Haifa ee waqooyiga Israa’iil, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 31 qof.

Wararka ugu danbeeyey ee soo baxaya ayaa sheegaya militariga Israel ay beegsadeen xarunta Nukliyeerka Iran ee magaalada Isfahan.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Iran Ali Jafarian ayaa sheegay in waaxdu ay isku diyaarinayso in ay daweyso dhibbanayaal kasta oo la ildaran saamaynta werarada joogtada ah ee Israel ay ku hayso xarumaha nukliyeerka.

Ciidanka Israel ayaa sheegay in ciidamadoodu ay sidoo kale “weerarayaan kaabayaasha militari ee koonfur-galbeed Iran”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in ay “aad u khatar u tahay dhan walba” haddii Maraykanku uu kusoo biiro “duulaanka gardarrada ah” ee Israel.

Iran ayaa sheegtay in in ka badan 400 oo qof ay ku dhinteen ugu yaraan 3,056 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii Israa’iil ay billowday weerarkeeda 13-kii June.