Israa’iil oo weerartay koonfurta iyo bariga Lubnaan

7 February, 2025

Habeenimadii Khamiista, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeymo ka bilaabay koonfurta iyo bariga Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah, inkasta oo ay xabad joojin dhex dhigtay Israa’iil iyo Xisbullaah.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka ee Israa’iil ay bilaabeen “abbaaraha 10:35 PM fiidnimadii Khamiista (20.35 GMT), weerar cirka ah, oo ay ku qaadeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Bafarwa iyo Azza” ee koonfurta dalka Lubnaan.

Ciidamada Israel ayaa bayaan ay soo saareen subaxnimadii hore ee jimcaha ku dhawaaqay in ay bartilmaameedsadeen laba goobood oo milatari oo kooxda Xisbullah ay ku leeyihiin gudaha Lubnaan.

Heshiis xabbad-joojin ah ayaa socday tan iyo 27-kii Noofambar, ujeeddadiisuna tahay in la soo afjaro duqeymaha xudduudda ka gudba ee socday muddo sannad ku dhow oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Xisbullah, oo isu beddelay iska-horimaad furan illaa Sebtembar 2024, iyada oo dawladda Israa’iil ay sii xoojisay duullaannada dhulka ee deegaannada xuduudda ee koonfurta Lubnaan.

Xisbullaah iyo Israa’iil ayaa heshiiskoodu dhigayay in muddo lixdan maalmood ah ay ciidamada Israa’iil ka baxaan koonfurta Lubnaan, taas oo beddelkeeda lagu xoojinayo ciidamada Lubnaan iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Horseed Media